Machadka Cilmi-baadhista Caalamiga ah ee Denmark. ( Danish Institute for International Studies. DIIS)

Mac-hadka cilmi baadhista caalamiga ah ee Denmarka (Danish Institute for International Studies) ayaa warbxin uu ka baahiyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Egal International Airport ee caasimada Somaliland ee Hargeisa, waxa uu ku sheegay horumarka uu sameeyey Madaarku inay horseed u tahay aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Cilmi baadhistan uu mac-hadku ku baahiyey boggiisa uu internetka ku leeyahay (www.diis.dk), wuxuu ku sheegay in cilmi baadhaha lagu magacaabo Tobias Grandrup oo ka socda Jaamacadda Antwerp isla markaana diyaarinaya shahaadada sare ee PHD inuu socdaal ku yimid dalka isla markaana uu warbixin dheer ka qoray guud ahaan Somaliland gaar ahaana madaarka caasimada. isaga oo qoraagu qaadaa dhigay nidaamka heer caalami ee uu u shaqeeyo madaarku iyo sida uu Somaliland aqoonsigeeda hormuudka ugu yahay.
Dhinacyada ay warbixinatan mac-hadku baahiyay ee uu cilmi baadhe sare Tobias Grandrup diyaariyay ku amaantay madaarka waxa ka mid ah Amaanka, , Hubinta dadka soo degaya iyo kuwa dhoofaya, adeega iyo shaqooyinka maalinlaha..
Warbixiintiii oo Luqada English ku qoran hoos ka akhri.

LEAVE A REPLY