Hargaysa (somalilandaviation) Weftigii Somaliland ee Safarka maalmahan ku joogay Dalka Itoobiya Oo Maanta ku soo laabtay Dalka Kana Hadlay, Kulan ay la yeesheen Raisal Wasaaraha Itoobiya, iyo sidoo kale Wasiirka Airimaha Dibada Somaliland oo ka hor intaanu tagin Adisababa Jabuuti kula sii kulmay Madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibada.

Wasiirka Airmaha Dibada Somaliland Dr: Sacad X Cali Shire oo ka warbixiyey kulamadaasia ayaa yidhi:-“Wafti ka kooban  aniga iyo Afar Wasiir ayaa ka soo degay saaka halkan, anaka oo ah wafti balaadhan, ayaa waxaaanu la kulanay shalay Raysal Wasaaraha Dwlada Itoobiya iyo la taliyayaashiisa, waxaanu ka wada hadalnay sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka labada Dal, iyo sidii laysaga kaashan lahaa zrimo faro badan  oo ay ka mid yihiin arimaha nabad galyada, dhaqaalaha, bulshada, kulankaasii waxa uu ahaa, kulamo aanu haruu ula kulanay Raysal Wasaaraha, waxaa nagu weheliyey kulankaas Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murshaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo Axmed Xaaji Daahir oo ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye, shirkaasi si fiican ayuu noogu dhacay.”

Wasiir Sacad isaga oo ka hadlaaya kulamo uu jabuuti ku yeeshay ayaa waxa uu yidhi:- ” socdaalka Itoobiya ka hor waxaan soo maray Wadanka Jabuuti oo aan halkaa kula kulmay, Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweynaha, safarkaa laftiisu u jeedadiisu waxa ay ahayad, sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka inaga dhaxeeya inaka iyo jabuuti, isaga laftiisa waxyaabo faro badan ayaanu kaga wada hadalnay oo la xidhiidha iskaashiga labada Dal, si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay Jabuuti, waxaan runtii u mahad celinayaa Madaxweynaha iyo Wasiiradu sida diiran ee aya noo soo dhaweeyen, si taa la mid ah ayaa naloogu soo dhaweeyay iyada laftigeeeda Itoobiya.”

LEAVE A REPLY