Hargaysa (Somalilandaviation) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa maanta Khudbad ka jeediyey Fadhi ay wadajir isugu yimaadeen labada Gole Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtidu, isaga oo Madaxweynuhu ka codsaday Baarlamaanku inay ansixiyaan heshiiska dawladda Imaaraadku Berbera kaga furanayso saldhiga Ciidan.

Madaxweynaha ayaa waxauu ka hadlay faa’iidooyinka uu qaranka u leeyahay saldhigan Ciidan, waxaana golaha ka hor akhriyey qodobada heshiiska Imaaraadka iyo Dawlada Somaliland, Wasiirka Duulista.

Ka dib markii Labada Gole Qaran ee Wakiilada iyo Guurtidu ansixiyeen Heshiiska ayaa Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawadu la hadlay warbaahinta isaga oo mahadnaq u diray labada gole.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa xildhibaanada labada gole ee in ka aamustay in codaysay iyo in ka hortimidba oo dimuqraadiyada iyo sunaha dawladnimo ayey ka mid tahay, waxaan aad si u cuntanta oo milgo leh ugu mahadcelinayaa xildhibaanada ajiibay ee aqbalay eek u taageeray madaxweynaha codsigiisii aad iyo aadbaan uga mahadcelinayaa.

Dalkeenu saaxiibo ayuu u baahan yahay ictiraafku waxa uu ku yimaadaa inaad hesho saaxiibo kula jaala oo aad kasbato kaaga hadli kara kuna macaamili kara oo Qaramada midoobayna xubin ka ah aas aas ayey u tahay in ictiraaf la helo kumana imanayo aqoonsigu wado kale, waxaanan aaminsanahay inaynu hore u lahayn saaxiibo ruug cadaaya oo aynu kalsooni ku qabno sida Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanan rajaynayaa inay saaxiib wanaagsan oo soo kordha inay noqoto dawladda isutaga imaaraadka carabtu, ILAAHEY idamkiina waxaanu rajaynayaa inay inoo soo kordhaan saaxiibo badan oo inoo noqdo cod aynu aduunka dhexdiisa ku yeelano mustaqbalka dhaw”.

Wasiirka oo la dardaarmayey shacbiweynaha reer Somaliland waxa uu yidhi “Dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland-na waxaan leeyahay fursad weyn ayey inoo tahay oo shaqaale siin, la macaamil ganacstada ah oo ay ganacsatadeenu inay wax ka iibiso keeni kara, waxaanay wax ka taraysaa amnigeena iyo amniga mandaqadaba, waxaanan fursad ka helaya oo aan mustaqbal wanaagsan u rajaynayaa dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan leeyahay fursadaha DP World, Saldhigaa Ciidan ama shidaalka la baadhayo iyo qaar kale oo soo socdaba waxaan rajaynayaa inay fursad wanaagsan siiso dhalinyarada oo dalkeena kaalin mugleh oo la majiirto ka galisa aduunka.

 

LEAVE A REPLY