Hargaysa (Somalilandaviation) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo ay wehelinayaan Saraakiil ka tirsan Wasaaradiisa ayaa socdaal shaqo ku yimi Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorame, waxaana waftiga Wasiirku kulamo la yeesheen Maamulka Heer Gobol iyo heer Dagmo, kadibna waxa ay kormeer ku tageen Madaarka Magaaladaasi oo ay Wasaarada Duulistu Hawlo shaqo ka wado, goobtaasi oo Wasiirku hadal ka jeediyey ayaa aad loogu soo dhaweeyay.

waxaana ugu horayan halkaasi ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Duulista Hawada ee Gobolka Awdal Cabdi Ibraahim Axmed, hadalkiisiina wax aka mid ahaa:-“ sida runtu ay tahayna waxa weeye, wasiirku waa nin dayar, waa nin wax soo qabtay, wuxuu rabaa xadkii Madaarku lahaa in uu istaago, anaga ka wasaarad ahaana waxaa naga go’an, in dhulkii Madaarku lahaa xadkiisa aanu sida uu yahay u saxno, ee umadu ay leedahay, ee mustaq balkii umada ah.”

Maayarka Degmada Boorame Maxamed Xuseen Maydhane oo isna safarkaasi ka hadlaya ayaa yidhi:-“waxaan halkan u joognaa, maaha wax shaqsi leeyahay ee waa dan guud, waa mustaqbalkii Boorame waa garoonkii Diyaarada, Garoonkaas Diyaaradu inta Runway-ga marka laga reebo  dhinac walba waxaa looga kacayaa 150 Miter, waana la xayandaabayaa, cidna loo dabo fadhiisan maayo.”

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise ayaa digniin u diray Dada degan dhulka Madaarka waxaanuu yidhi:- “ Boqol Iyo Kontankaas Mitir cidii soo gashay gudahiisa waa in ay ka laalaabtaa oo ay ka gurataa wixii ka yaala, Madaarku waxa uu u baahan yahay dhul, Magaalo kasta oo Dalka ka mid ahina waxay u baahan tahay Madaar, cidii wax qabsata ee wexeeda sii hagaajisata, ayaa marba tamartu sida ay tahay wax loogu darayaa, Reer boorame hadaydaan imika intiisa u sii qaban dee Miisaaniyada Sanad walba kordhaysa waxba loogu dari maayo hadii cabirka iyo murankiisu mar walba uu sii taagan yahay, waxaa nasiib wanaag ah, in uu Wasiirka Wasaarada Duulistu uu sanadkan bajadka miisaaniyada qaranka  ugu daray in Madaarka wax loo qabto.”

Ugu danbayantii Wasiirka Wasaarada duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxaa yidhi:- “runtii safarkagu waxa uu ku aadanaa waxa weeye, indho indhayan iyo u kuur gal, Madaarka iyo axwaashiisa runtii waad arkaseenoo imika waxa socda oo aanu bilawnay, Kaabadihii lagu samaynayey in xayandaab loo sameeyo Madaarka , waxaanuna rajaynaynaa in xuduudada Madaarka oo dhan la soo sugo oo Xayandaabkii lagu xidho.”

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Gudi haruu marineed samayan doonaan, waxaanu yidhi:- “ waxaanu samayan doonaa Gudi, Gudiga dhismaha Madaarka oo Dadka deegaanka ah ka kooban, si loo helo oo loo sugo in laga wada qayab qaato Madaarka.”

LEAVE A REPLY