Berbera (Somalilandaviation) Shixnadii u horaysay oo ka mid ah deeq uu Dalka Kuwayad hore u sheegay in uu soo gaadhsiin doono Dadka Abaaruhu Saameeyen ee Reer Soamlailand ayaa soo cago dhigatay Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera.

Shixnadan oo ay siday Diyaarad uu leeyahay Ciidanka Cirka ee Dalka Kuwayad ayaa ahayad 10 tan oo ka kooban Daqiiq, Saliid, Buskud, Kaluun iyo Qasacado midho ah.

sida ay sheegen Saraakiil ka socday Bisha Cas (Kuwait Red Crescent Society) oo deeqdaasi ku wareejiyey wakiiladooda Somaliland, waxaa deeqdaasi mudooyinka soo socda soo daabulidoona Diyaaradaha Dalkaasi, waxana ay xuseen in boqorka Dalkaasi ku deeqay.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Xuseen Boos, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista Guuled Maxamed Shire Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Cilmi,  Gudoomiayha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,  Masuuliyiinta  Gobolka Saaxil ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Bisha Cas ee Kuyaad deeqdaas ay soo gaadhsiiyeen Dalka, waxaana ay Masuuliyiintaasi ku qaybiyeen Deeqdaasi Goobo ay Dagan Yihiin Dad ay Abaaruhu saameeyen oo ku soo baro kacay duleedka Magaalada Berbera.

 

LEAVE A REPLY