Hargaysa (somalilandaviation) Kooxda kubada cagta ee ku ciyaarta Magaca Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa soo xero galisay Gool hayihii dhawaan koobka u qaaday Xulka Gobolka Awdal  Baashe Yuusuf Cumar.

Kooxdan Kkubada Cagta ee Wasaarada Duulista aya isu diyaarinaysaa sidii ay kaalin muuqta ugu gali lahayad Ciyaaraha heerka 1aad ee dhawaan laga ciyaari doono Caasimada Somaliland ee Hargaysa, Gool haye Baashe ayaa la filayaa in uu soo bandhigi noono Ciyaarihiisa ugu horeeya, khibrad badan oo uu ka dhaxlay tartanadii ugu danbeeyay ee uu u saftay Xulka Gobolka Awdal.

Goolwadahan ayey Kooxdu  la saxeexatay heshiis uu kula joogi doono mudo Labo Sano ah, sida laga war qabo Kooxada Xidigaha oo ka mid ah kooxaha heerka 1aad eek a dhisan Caasimada, ayaa waxaa lagu majiirtaa in ay taageero xoogan oo hiil iyo hooba ah ka helaan Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka

LEAVE A REPLY