Hargaysa (Somalilandaviation) kooxda xidigaha cirka ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  ayaa 3-1 ugu awood sheegatay kooxda Wasarada Caafimadka, Ciyaartan oo ahayad wareegii labaad ee Ciyaaraha Kubada Cagta heerka 1aad oo ka socda Garoonka Hargaysa Stadium.

 

Ciyaarta oo jawi dagan ku bilaabatay ayaa kooxda xidiga cirka ee Wasaarada Duulista iyo Hawada goolka ku hor martay isla markana hoganka ciyaarta qabatay isago goolka uu u dhaliyaya Rooble Rashiid intan hafku dhicin ayay kooxda Wasarad Caafimadku dadaal ay samaysay ka dib heshay goolkii barbar dhaca,  qaybtii hore waxa lagu kala nastay 1.1

Qaybtii danbe markii laysku so noqday ayay kooxda Wasarda Duulist jaanta isla heshay isla markaana dhalisay 2 goal oo deg dega ah kana naxsatay kooxda caafimadka labada goalna waxa u kala dhaliyay Caydaruus iyo khaddar   ciyaartina wxay ku so gaba gabawday 3-1 ay guusha la hoyatay kooxda Xidiga Cirku.

Ciyaarta waxa kaso qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar Cabdilahi Aadan  iyo Gudoomiyaha kooxda kubada cagta ee xidigaha cirka iyo dadwayne aad u fara badan.

 

LEAVE A REPLY