Hargaysa (Somalilandaviation) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Xafiiskiisa kulan kula  yeeshay Kuxigeenka UNDP Somali David Akopyan  oo ay wehelinayaan Madaxa Xafiiska UNDP ee Hargaysa Somaliland Segee Pushkarof iyo hawl wadeeno kale oo ka tirsan Xafiiska UNDP ee Somaliland, dhanka Wasaarada waxaa Wasiirka kulanka ku wehelinaayey Wasiirkuxigeenka Wasaaradaas Guuleed Maxamed Shire.

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii ay Hay’adda UNDP gacan uga gaysan lahayad Hawlaha lagu haruu marinayo Madaarada Somaliland.

Wasiirka Duulista Farxaan Adan Haybe ayaa Madaxdan ka codsaday in ay Wasaaradiisa ka caawiyaan suurto galnimada  Tababarida Shaqaale ka shaqeeya Amaanka  Madaarada, Isgaadgsiinta,  iyo Adeegyada kale ee ay fuliyaan Madaarada Somaliland.

Masuuliyiinta Hay’ada UNDP ayaa sheegay in ay qorshayaashooda ku darsan doonaan codsigaasi Wasiirka Duulista oo ay dadaal muujin doonaan dhinacooda sidii ay wax ugala qaban lahaayen Wasaarada hawlahaasi.

Dhanka kale waxa uu Wasiirku ka gudoomay Masuuliyiinta UNDP Gaadhi deeq ah oo ay ugu talo galeen Wasaaraada Duulista, oo noociisu yahay HILUX D4D, waxana uu wasiirku sheegay in aanay ahayan deeqdaasi tii ugu horaysay, noqona doonin tii ugu danbaysay ee ay wax ka weyan ka filayaan Hay’ada UNDP.

 

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

Tel: 063 4424571

Email: publicmedia@gmail.com

Email: prm@mocaat.com

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY