Hargaysa (Somalilandaviation) Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa Kooxda heerka 2aad ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Magaceeda ku ciyaaridoonta gudoonsiiyey agab ciyaareed oo isugu jira Garamaan iyo Kubado.

Munaasibad kooban oo kooxda lagu gudoonsiiyey agabkaasi, ayaa waxaa ka hadlay Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf waxana ka mid ahaa hadalkiisa:- “Wasaarada Duulista iyo Hawadu maandhayadkeedu maaha, in ay ka shaqayso dhalinyarta iyo ciyaaraha, Wasaaradbaa Qarankan uga masuula, lakiin anaga oo mar walba fulinayna siyaasada Madaxweynaha Qaranka Jamuuriyada Somaliland, anaga oo fulinayna siyaasada iyo hufnaanta shaqo ee Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawad, waxa aanu iska xil saarnay, amaba ay Wasaaradu hore iskaga xilsaartay, in ay kala shaqaysi inta karaankeeda ah dhalinyarta J/S/L kuna dhiiri galiso, in ay ka qayab qaataan Ciyaaraha.”

Waxaa halkaasi isna ka hadlay Gudoomiyaha Kooxaha Kubada Cagta Cumar Cabdi Aadan oo yidhi:- “waxa sharaf ii ah in aanu maanta soo dhaweyno Ciyaartoyga heerka 2aad noqon doonta ee kooxda Duulista iyo Hawada, marka hore waxaan doonayaa in aan halkan uga mahad celiyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Wasiirka, Maamulaha iyo Tababaraha Kooxda.”

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay kabtanka kooxdaasi Xirsi C/raxmaan Xirsi oo yidhi:- “waxaan ugu horayan u mahad naqayaa Maamulka Madaarka Cigaal International Airport, mar 2aad Maamulka Wasaarada Duulista iyo Hawada aniga oo ku hadlaaya afkii Kooxad, waxaanu si wacan ula shaqayan doonaa Maamulka Wasaarada Duulista iyo Hawada.”

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY