Hargaysa (somalilandaviatian) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe isaga oo ka duulaya codsi uga yimi Gudiga Bilicda Caasimada iyo Dawlada Hoose ee Hargaysa oo ah ka qayab qaadashada dhismaha Wadada isku xidha Madaarka Cigaal International Airport iyo Magaalada Gudaheeda, ayaa waxa uu kulan isgu yeedhay Masuuliyiinta Shirikadaha Diyaaradaha ee isticimaala Madaarkaasi, waxana kulanka Wasiirka ku wehelinaayey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Guuleed Maxamed Shire iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar C/laahi Aadan,  waxaana uu u soo bandhigay in ay ka qaybqaataan dhismahaasi Wadada.

Kulan kan oo ka dhacay xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu filaaqeeyay suurto galnimada sida ugu haboon ee ay labada dhinac uga qayab qaadan lahaayen dhismaha Wadadaasi oo ah Muraayada Caasimada inbadana ay ka war sugayeen Dadweynaha ka Dhoofa Madaarkaasi iyo Kuwa Ka soodegaaba.

Ugu danbayantii waxa la isla qaatay in Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Shirikadaha Diyaaraduhu qaybsadaan Lacag Konton Kun oo Doolar ($50,000) ah oo ay kaga qayab qaataan dhismaha Wadadaasi, si Dawlada Hoose ee Hargaysa halkaa uga sii wada dhamaystirka Wadada.

 

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

Tel: 063 4424571

Email: publicmedia@gmail.com

Email: prm@mocaat.com

Wab: Somalilandaviation.com

Facebook: https://www.facebook.com/mocaatsomaliland/

 

 

 

LEAVE A REPLY