Hargaysa (somalilandaviation) Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Shirikada Dhismaha ee Somaliland Hono Group Construction ayaa kala saxeexday qandaraas lagu dhisaayo Runway-ga, Taxiway –ga, iyo Apron-ka Madaarka Magaalada Burco, kulan sadxe geesood ah oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista axmed Nuur Faahiye, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Guuleed Maxamed Shire Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar C/laahi Aadan, Gudoomiayaha Gudiga Dib u Dhiska Madaarka Burco Cali Maxamed Axmed (Mawliid) oo uu weheliyo Gudoomiye Kuxigeenka Gudigaasi Yaasiin Maxamed Shide, Maareeyaha Somaliland Hono Group Construction C/risaaq Jaamac Ismaaciil (Cumaani) oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan shirikadiisu, ayaa saaka ka dhacay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.

 

Ujeedka Kulankan oo uu Saxaafada uga Waramay Wasiirku, ayaa waxa uu yidhi:- “Maanta waa maalin taariikhiya oo sharaf wayn bay inoo tahay waa Alle  mahadii hadii aynu maanta saxeexnay heshiiskii bilowga dhismaha Madaarka Burco ee ahaa Runway-ga,  Taxiway -ga iyo Apron-ka oo ah dhabayaasha ay isticmaalaan Diyaaraduhu Shirkadii qandaraaska hore loo siiyay  ayaanu dib usula eegnay maadaama heshiiskii hore mudadiisii dhaafay in kan rasmiga ah dib aanu u saxeexno waxaanay noqonaysaa in la bilaabo 1 April sida rasmiga”

 

Dhismaha Madaarka Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ayaa waxa weyan ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolkasi iyo haruumarka bulshada kunool.

LEAVE A REPLY