Hargaysa (Somalilandaviation) ciyaarta oo ku bilaabatay jawi aad u xamaasad badan ayaa daqiiqadii 4 waxa u suurta gashay kooxda xidigaha circa ee Wasaarada Duulista  inay helaan gool  uu u dhaliyay weeraryahaynka  Sheekh Xamse, goolka oo ciyaarta waji kale u sameeyay isla markaana sii dardar galiyey ciyaarta.oo ay ka qayb galeen daawashadeeda Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar C/laahi Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Gudoomiayaha Kooxda Duulista Cumar Cabdi Aadan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0, aad ay maamulka ciyaartu la wareegtay kooxda xidigaha cirka isla markana aya ciyaarta gacanta sare lahaayern qaybtii hore laguna kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayso kooxda xidigaha cirku.

Markii laysku so laabtay ayay kooxda gashan weeraro is daba jooga so qaaday, kooxda xidigaha cirka ayaa iyaguna difaac adag ka galay, ciyaartu  waxay ku dhamatay 1-0 ay guushu ku raacxay kooxda xidigah cirka ee Wasaarada Duulista isla markaana u gudbay wareega afar dhamaadka sidaasay kooxda Gaashaana tartanka uga hadhay

 

 

LEAVE A REPLY