Hargaysa (Somalilandavition) Wafiti uu hogaaminaayo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai, safarkiisan ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Kuxigeenka, Wasiirada, Arimaha Dibada, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhiga, Xidhiidhka Golayaasha, iyo Wasiir Kuxigeenada, Madaxtooyada, Maaliyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland oo ka hadlay ujeedka safarkaasi, ayaa ku sheegay mid Shaqo oo ay dhawar casho ku joogi doonaan Dubai, isga oo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:- “ maanta oo ay bishu tahay 15/03/2017 maalin Arbaca ah, Ilaahay ayaa mahad leh waxaanu u baxaynaa aniga iyo waftigan aad arkaysaan, oo wafti aad u balaadhan ah, waxaanu u baxaynaa shaqo qaran, oo aan u socono Dalka isu taga Imaaraadka Carabta, oo aanu Insha Allah ku maqnaan doono mudo kooban, oo ku soo fulindoono hawal qaran.

Waftigan oo ah mid miisan weyan ayaa la filayaa in ay dardargalin doonaan Mashaariicda ay dhawaan ugu balan qaaday Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabtu Somaliland, iyo sidoo kale sii xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee ka dhexeeya labada Dal iyo adkayanta Nabad Galyada.

Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

 

Hargeisa – Republic of Somaliland
            nasirnaska77@gmail.com
Tell: 63-4423774

LEAVE A REPLY