Hargaysa(somalilandaviation) Kooxda Wasaarada Duulista Hawdaa iyo Gaadiidka Cirka ee Xidigaha Cirka ayaa 3-1 kaga badisay Kooxda Dawlada Hoose, ciyaartan oo ahayad Ciyaarta Seven final-ka , ciyaartan ayaa hayad Ciyaartii labaad ee ay is arkaan labadan kooxood ,  furitaankii ciyaarta ayaa waxaa 1-0 ku gacan sareeyay Kooxda Dawlada Hoose.

Ciyaartu markii ay bilaabmatay ee ay socotay 11 daqiiqo, waxaa u suuro gashay kooxda Dawlada hoose in ay la yimaadaan halgool oo uu u dhaliyey, laacibka khadka dhexe uga ciyaara ee Khadiir, balse kuma ay ladin ee Kooxda Wasaarada Duulista ayaa iyaguna la yimi goolka barbar dhaca daqiiqadii 32 oo uu u dhaliyey  Xamse, qayabtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay hal iyo hal 1-1.

Markii qaybtii danbe ee ciyaarta la isugu soo laabtay, ayey la yimaaden goolkii labaad Kooxda Wasaarada Duulistu, goolkan oo uu u dhaliyey Khadar oo dhanka weerarka uga ciyaara kooxdan, ciyaartuna waxa ay isu badashay 2-1, Dawlada hoose ayaa dadaal dheeraad ah muujisay in ay iska soo jaraan goolalka la dheer yahay, ma aysan dhicin taasi oo kubad uu Farxaan Bookh ka soo laaday badhtamaha Garoonka D-da ayaa si lama filaan ah u dhaaftay Goolhayaha Dawlada Hoose ee Boqole daqiidii 70aad, sida ayey hadana ciayaartu jawi kale ku gashay, oo ay kooxda dawlada hoose rajadii kaga luntay.

Labada kooxoodba badalo ayey sameeyen balse Ciyaartu waxa ay ku dhamaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday, Kooxda Wasaarada Duulista Hawada ee Xidigaha Cirka oo iyadu, markii sadexaad iska xaadirisay, Ciyaarta Kama Danbaysta ah oo ay la yeelan doonan Kooxda Goodirka .

 

LEAVE A REPLY