Hargaysa (somalilandaviation) Kooxaha Kubada Cagta ee Wasaarada Duulista iyo Goodir Ciidanka Booliska ayaa kukala calaf qaaday Koobka heerka 1aad oo ay ku tartamayeen 10 kooxdood oo u kala ciyaarayey Hay’adaha Dawlada iyo Dawlada Hoose ee Hargaysa.

 

Ciyaarahan  oo mudo soconayey ayaa maanta waxa Garoonka Hargaysa Stadium,  kuwada ciyaaray kooxaha Wasaarada Duulista iyo Goodir Ciidanka Booliska, waxaana 4-5 lagaga adkaaday kooxda wasaarada duulista ee lagu magcaabo xidigaha cirka, waxana koobkii halkaasi ku hantay kooxda goodirka ee ciidanka booliska .

Daawashada Ciyaarta oo ahayad mid aad u xamaasad badan  ayaa waxaa ka soo qayab galay Wasiirada Madxtooyada, Ariamaha Gudaha, Cadaalada, Ciyaaraha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Duulista iyo Ciyaaraha, Badhasaabka Maroodi jeex iyo Daweyne aad u tiro badan.

                             

 

LEAVE A REPLY