Abu Dabay (Somalilandaviation)  Dawlada Somaliland iyo Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa Heshiis Milatari ku kala Saxeexday Magaalada Abu Dabay ee Wadanka Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan Dhexmaray labada dawladood ayaa waxaa dhinaca Somaliland u saxeexay, Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Soamalailand , halka Dawlada Imaaradkana uu u saxeexay Maxamed Al Suwaydi, heshiiskan ayaa dhigaya in Somaliland laga siiyo Wadanka Imaaradka Carabta Saldhig Milatari, gaar ahaan Magaalada Berbera, heshiiskan oo sida la sheegay ahaa mid aad u balaadhan oo labada dhinac iska kaashanayaan, dhinaca Amaanka, dhinaca Dhaqaalaha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa faahfaahiin ka bixiyey Wasiirka Arimaha Dibada Dr Sacad oo yidh:- “heshiiskaas oo koobaya iskaashi  dhinacyada , Amniga, Dhaqaalaaha, Siyaasada, iyo Arimaha Dibada, kaas oo ku salaysan  go’aankii Baarlamanka Somaliland ka soo baxay 12/2/2017, heshiisku waxa uu ka kooban yahay Qodobadan:-

  1. Dawlada Somaliland oo ogolaasho siisay in Ciidamada Dawlada Isutaga Imaaraadku Carabtu isticimaalaan Madaarka Diyaaradaha ee Berbera.
  2. Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta oo ka dhisi doonta Madaar Cusub, oo ku yaala Magaalada Berbera, oo ay isticimaalidoonaan Diyaaradaha Rakaabka iyo Kuwa Xaamulka ah, taas oo macnaheedu yahay in ay Berberi yeelan doonto laba Madaar.

Jidka isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Togwajaale oo dhererkiisu yahay 250 KM, ayaa isna ka mid ah Mashaariicda la fulindoono.

Mashaariic kale oo la fulindoonona waxay la xidhiidhaan Biyaha, Tamarta, Caafimaadka, iyo Waxbarashada, Mashaarii9daas waxaa la fulindoonaa Sadexda Sanadood ee soo socda.

  1. Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta, oo Suuqtadeeda Shaqo u furidoonta, Muwaadiniinta Reer Somaliland.
  2. Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta oo taageeri doonta shirikadaha Maalgashiga ee Imaaraadka, in ay Maal Gashadaan Somaliland.
  3. Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland oo iska kaashan doona, dhinaca Amaanka.
  4. Wuxuu Heshiiskani Albaabo Cusub u furi doonaa Somaliland iyo beesha Caalamka, ugu danbayan waxa kale oo labada dhinac isla garteen, in Dawlada Imaaraadka Carabtu Gargaar degdeg ah gaadhsiiso Dadka ku tabaaloobay Abaaraha.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Soamlailand Farxaan Aadan Haybe oo isna goobjoog ka ahaa Saxeexa Heshiiskan, ayaa isna bartiisa Facebook-ga wuxuu ku yidhi:- “Alxamdulilaah heshiiskii Iskaashi ee ka dhaxeeyay Dawlada isutaga imaaraadka carabta iyo dawlada Somaliland oo si rasmiya qalinka loogu duugay, waxaan ilaahay ka baryayaa inuu albaab khayr, horumar iyo aqoonsi u furo wadankeena.”

Ugu danbayantii Madaxwene Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay  Heshiiskani faa’iidada uu u leeyahay Qaranka ayaa waxa uu yidhi:- runtii maanta waa maalin weyan oo cad oo  qiimo gaar ah u yeelan doonta Taariikhda Somaliland, waxa uu heshiiskani faa,iido u yeelanayaa Somaliland iyada oo ay noqonayso, heshiisyadii 1aad ee caalami ah ee Dunida haruu martay ama Duni la Citiraafsan yahay Somaliland la gasho, waxa weeye dabcan Saldhigyadu qiimaha ay leeyhiin, waa la garan karayaa, Saldhig Milatari ayaanu siinay Dawlada Imaaraadka iyaga oo iyaguna noogu badalaya Mashaariic Haruumarineed, oo ah Mashaariicdii Dawlda Soamaliland uu u soo ansixiyey Baarlamanka Soamliland.”

LEAVE A REPLY