Hargaysa (Somalilandaviation) Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ayaa ku guulaysatay in ay keento Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport Xumbada lagu bakhtiiyo Diyaaradaha, hadii Dab qabsado ee loo yaqaan, ( Foam, AFFF 3%),  Xumbadan ayaa waxaa Wasaarada Gacan ka siiyey keenideeda Shirikada Fly Dubai, Xumbadan ayaa ahayad 4 Tan ama 4000, oo Liter.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista oo Shirikada Fly Dubai kala wareegay Xumbadaas ayaa waxa uu yidhi:-“Waxaan Maanta shirkada Fly dubai ka gudoomay 4000 litre oo ah Foam ama xunbada dabka lagu bakhtiiyo oo looga baahnaa madaarka caasimada nooca loo yaqaano AFFF 3%,Talabaadani waxay sare u qaadi doontaa heerka safetyga madaarka caasimada ama badqabka hadii rabi inaguma keenee shil ka dhaco madaarka. Taariikhda waa markii koowaad ee Xunbadan la keeno dalkeena.”

Waxa isna goobtaasi ka hadlay Siidhow oo ah Wakiilka Shirikada Fly Dubai ee Qaarada Africa oo sheegay in ay wada shaqayan fiicani ka dhaxayso shirikada iyo Wasaarada Duulista.
Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada ayaa xadhiga ka jaray Xafiis Cusub oo ay Leedahay Shirikada Diyaaradaha ee Fly Dubai oo noqon doona Xarunta guud ee ay ku leedahay Somaliland Shirikadaasi, Madaxweyne Kuxigeenka hawlgalada  Ganacsiga ee Shirikadaasi Sudhiir Sareedharan, ayaa waxa uu sheegay in laba Sano ka hor ay shaqada Somaliland ku bilaabeen Afar Duulimaad oo ay ku iman jireen Hargaysa, laakiinse Dalabku uu batay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “waxaanu samaynaa Duulimaadyada maalin laha ah iyada oo sababtuna ay tahay Taageerada Wasaarada Duulista Somaliland, waxana muuqda in suuqu uu kobcay.”

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista Guuled Maxamed Shire oo halkaasi isna hadal kooban ka jeediyey, ayaa waxa uu bogaadiyey  Shirikada Fly Dubai, waxanu yidhi:- “ Shirikada Fly Dubai waa waxayaalaha aynu u baahanahay in aynu Wadanka ku soo dhaweyno si ay ugu shaqeeyan bulshada reer Somaliland isku xidhka aduunka oo dhan, aad ayaan u soo dhaweynayaa Xafiiskan weyan ee ay Maanta fureen.”

LEAVE A REPLY