Baarliin (Somalilandaviation)  Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada  Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Somaliland Guuled Maxamed Shire, isla markaana uu wehelinayo Xildhibaan Maxamed Cali Obama iyo Abaadir Ismaaciil oo ka mid ah La taliyeyaasha laamaha dawladda.

Shirkan oo diirada lagu saarayey iskaashiga ganacsiga ee Afrika iyo Jarmalka, sidii labada dhinac uga faa’iidaysan lahaayeen, iyada oo ergooyinku ka soo qayb galay falanqeeyeen sidii loo kordhin lahaa isla markaana loo samayn lahaa nidaam maalgalineed iyo ganacsi oo labada dhan dhex mara.

Shirkan iskaashiga ganacsi ee Afrika iyo Jarmalka oo ah shirkii u horeeyey ee lagaga hadlayey Ganacsi dhex mara qaarada Afrika iyo Jarmalka ee ka dhaca Baarliin.

Masuuliyiinta Somaliland uga qayb galay shirkan ayaa waxa ay ka soo qayb galayaasha u bandhigeen fursadaha ganacsi ee dalka yaala.

Wasiir ku xigeenka oo ka hadlaya ka qayb galkooda shirkan ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ku dedaalnay sidii aanu shirkan ka soo qayb galayaashiisa ugu bandhigi lahayn fursadaha dalka, waxananu rajaynaynaa natiijo fiican inay inooga soo baxdo”.

LEAVE A REPLY