Hargaysa( Somalilandaviation)  Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ayaa Markii labaad u qaybisay Dadka Deegaanka Xayandaabka Madaarka Dushiisa degan,  Raashin deeq ah. Wasaarada ayaa Boqol Qoys Maanta u qaybisay Raashin, ka dib markii ay ka aqbashay Hay’ada “African Relief”. Codsi ay Wasaarada Duulistu u gudbisay si loo caawiyo Dadkaas.

Munaasibada Qaybinta Raashinka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Dadka deegaanka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laahi Aadan  oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waxaada Mashaariicda Muuse Ibaraahim Yuusuf (Salaf) iyo Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport  Maxamed Yuusuf Ismaaciil, iyo sidoo kale Salmaan Axmed Faarax oo ka socday “African Relief”.

Ugu horayan waxaa halkaasi hadal mahad naqa ka soo jeediyey C/laahi Yuusuf Jaamac (Cago Cade)oo ku hadlaayey afka Dadka Deeganka, waxaanuyidhi:- “ waxaanu halkan u taaganahay Raashin Mucaawimo ah oo ay na siisay Wasaarada Duulistu Hawada oo aanu ka sokow Ialaahay iyaga ugu mahad naqayno, waxaanu leenahay tii noogu horaysay ilaahow ha ka dhigin ee tii noo socota ka yeel.”

Salman Axmed Faarax oo ka socday “African Relief”. Ayaa yidhi:- “ halkan maanta waxaanu ku qaybinaynaa boqol qoyas, oo aanu siin doono Sadex Haaf, Haaf Bariisa, Haaf daqiiqa, haaf sonkora, Caagad saladii iyo Sadex kiiloo oo Timir ah qoyskiiba, waxaanay ka danbaysay codsi nooga yimi Wasaarada duulista iyo maamulka Madaarka.”

Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaacil  oo halkaasi isna hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi:- “ Maanta halkan waxa aynu isugu nimi in aynu u qaybino Dadka degan Madaarka Dushiisa ama Xaafada Uubaale Raashin dahan boqol qoyas oo ay ugu deeqday Hay’ada “African Relief”.”

Ugu danbayan waxaa goobtaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan, waxana uu dadkaasi ku sifeeyay Dad xidhiidh dhaw la leh Masuuliyiinta Wasaarada Duulista, isaga oo arintaasi ka hadlaaya ayaa wax uu yidhi:- “ maanta halkan waxaanu ku qaybin doonaa Boqol Qoyas raashinkood, runtii Madaarada Dunidu waxay ku dadaalaan in ay Dadka deegaanka xidhiidh fiican la yeeshaan, waayo amaanka ayaa ku xidhan wada shaqayantaas, Dadka deegaanka iyo Madaarka oo wax weyan ka taraysa bidqabka Diyaaradaha iyo Rakaabka.”

LEAVE A REPLY