Burco (Somalilandaviation)  Dhismaha Madaarka Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa Bilaabmay wakhtigii ay Wasaarada Duulista Hawadu u qorshaysay ee ahaa 01/04/2017.

Dib u dhiskan ayaa noqondoona  mid Madaarka Magaalada Burco loogu dhisaayo  Runway-ga, Taxiway –ga, iyo Apron-ka, waxaana uu socon doonaa mudo Laba Sano ah, Munaasibad kooban oo lagu shaacinaayey Dhismahaasi ayaa lagu qabtay gudaha Madaarkaasi, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Heer Gobol, Maamulaha Madaarka Burco C/raxmaan  Yaasiin Axmed oo ugu horayan halkaa ka hadlay ayaa yidhi:- “aniga oo ku hadlaya magaca Wasaarada Duulista, waxaan  uga mahad celinaya, intii kaa soo shaqaysay bilawga hawshan, Xukuumada waa wax u ah sharaf, amaan, waana Farxad Soamaliland oo dhan u soo hoyatay.

Gudoomiyaha Gudiga dib u dhiska Madaarka Burco  Cali Maxamed Axmed (Mawliid) oo halkaasi isna ka hadlay ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:- “ waxaa sharaf inoo ah hadaanu nahay gudigii dib u dhiska Madaarka Burco, hawshan oo aanu mudo gacanta ku haynay, anaga iyo Gobolka, Wasaarada Duulista, iyo runtii Mushtamac weynaha iyo Dawlada Guud ahaan, Masharuucan oo soo socday, Lacagayow badan ayaa hada halkan lagu soo gaadhay, waxaana bixisay qayabta ugu weyan Dawlada, qaybta labaadna waxaa bixiyey Mushtamaca, gaar ahaaan Reer Burco, guud ahaana Reer Somaliiland.”

 

Waxaa Iyana halkaasi ka hadlay qaybtooda shaaccinta bilawga dhismahan Saraakiil ka socda Shirikada Dhismahaasi fulinaysa ee  Somaliland Hono Group Construction , ugu danbayantii Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer  Maxamed diiriye xayad (Daljir) oo tilmaamay qiimaha uu bulshada u leeyahay Mashruucani.

 

 

LEAVE A REPLY