Hargaysa (Soamlilandaviation) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ali Noyan , Turkey  Consulate General  Somaliland, oo uu wehelinaayo Sarkaal ka tirsan Xafiiskaasi.

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii ay Diyaarada Turkish Airways uga hawal gali lahayad Somaliland, iyo Dhismaha Terminal-ka Madaarka Cigaal International Airport, Waxana Dalka imandoona Wafti ka socda Diyaarada Turkish Airways iyo Wafti ka socda Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Ijineero qiimayan ku samayan doona Madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa, Wasaarada Duulista Hawada Somaliland ayaa waxa ay ka wada hadlayeen sidii Diyaradaasi Dalka Turkigu Duulimaadyo uga bilaabi lahayad Somaliland iyo sidii Dawlada Turkigu u dhisi lahayad Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport mudooyinkii u danbeeyay, waxana la filayaa in wada hadlkaasi guul iyo is faham laga gaadhi doono wakhtiyada soo socda .

Dhanka kale waxa uu Wasiirku kulan la qaatay oo uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Diyaarada Al Carabiya ee Gobalka oo fadhigiisu yahay Nayrobi.

Diyaarada Al Carabiya ayaa laga leeyahay Wadanka Isu Taga Imaraadka Carabta gaar ahaan Imaarada Shaariqa, waxaanay wada hadal la furatay ku saabsan sidii aya Diyaaradaasi Duulimaadyo ugu iman layahad Soamlailand.

smaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

Tel: 063 4424571

Email: publicmedia@gmail.com

Email: prm@mocaat.com

Wab: Somalilandaviation.com

Facebook: https://www.facebook.com/mocaatsomaliland/

 

 

LEAVE A REPLY