Hargaysaa (Somalilandaviation) Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiiddka Cirka Guuleed Maxamed Shire  ayaa ku Casuumay Hotel Ali Jirde, haldoorka Wasaarada Duulista oo uu hormood u yahay Wasiirka Wasaaradaasi Farxaan Aadan Haybe.

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Hotel Ali Jirde ee Magaalada Hargaysa, Munaasibada oo ahayad Casuumad Casho, ayaa waxaaka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaas oo isagu qabtay Casuumada, Qaar Ka mid ah Agaasime Waaxedka Wasaaradaas, Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport, Maamule Kuxigeenka 1aad ee Madaarkaas iyo Maamule Kuxigeenka 2aad, iyo  Xubno kale oo ka tirsan Wasaaradaas.

Wasiirka Wasaarada Duulista Farxaaan Aadan, ayaa u mahad celiyey Wasiir Kuxigeenka, waxaana uu tilmaamay in ay tahay sunaha dhaqanka Reer Somaliland iyo ka umada Islaamkaba in la isa sooryeeyaa .

 

 

 

LEAVE A REPLY