Burco (Somalilandaviation) Agaasimaha Waaxda Duulista, ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Eng: Siciid Mahadi Ileeye, iyo Eng: Daahir Bade Cali ayaa kormeeray Hawsha Dib u Dhiska Madaarka Magaalada Burco.

Egn: Daahir Bade oo ah khabiir dhinaca Tower-rada  oo ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee (ICAO), ayaa soo kormeeray adeega uu Diyaaradaha siinayo Tower-ka  Madaarka Burco.

Madaarka Magaalada Burco ayaa dhisme ka socdaa, waxaana loo samaynayaa Runway, Taxiway , iyo Apron, ay Diyaaradaha waaweyni ku soo degaan, oo dherkiisu yahay 3.7 KM.

Eng: Siciid Mahdi Ileeye ayaa cabiirkiisa soo saxay 2 KM kamida Runway-ga oo caro tuur la dhigay isla mar ahaaantaasna kabisaad lagu sameeya, si ay Diyaaraduhu si ku  meel gaadh ah ugu sii dagi karaan.

Hawsha Dib U Dhiska Madaarka Burco oo loo qoondeeyay in ay socoto mudo labo sano ah ayaa sidii loogu talo galay u socoto, waxaana ay Diyaaraduhu si ku meel gaadh ah u sii isticimaali doonaan Wakhtiga Xajka iyo Xagaaga 2 KM ee Caro Kaawada ah.

 

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

Tel: 063 4424571

Email: publicmedia@gmail.com

Email: prm@mocaat.com

Wab: Somalilandaviation.com

Facebook: https://www.facebook.com/mocaatsomaliland/

 

LEAVE A REPLY