Hargaysa (Somalilandaviation) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md.Farxaan Aadan Haybe Wasiiru Dawlaha Wasaarada Axmed Nuur Faahiye, Wasiirkuxigeenka Wasaarada Duulista Guleed Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan,Agaasimaha Waaxda Duulista, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka, Agaasimaha Waxaada Maamulka iyo Lacagta, Agaasimaha Waaxda Aminiga, Agaasimaha Waaxda Qorshayanta, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha, Agaasimaha Waaxda Saadasha Hawda, Afhayeenka Wasaarada iyo Maamulayaasha Madaarada,  iyo Dhamaan Shaqaaleweynaha Wasaaradda Duulistu waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Wasiirkii Hore ee Wasaarada Duulista Hawda iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarax oo wiil uu dhalay Gacan ka xaq darni ku dishay wadan Canada, sidoo kale waxay tacsi taa la mida u dirayaan, Qoyskii, Qaraabadii,uu ka baxay  Marxuunku, waxa ay Alle uga baryayaan in uu Janadii ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskiisii iyo Qaraabadiisana uu samir iyo Imaanka ka siiyo Aamiin Aamiin.

 

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

Tel: 063 4424571

Email: publicmedia@gmail.com

Email: prm@mocaat.com

Wab: Somalilandaviation.com

Facebook: https://www.facebook.com/mocaatsomaliland/

LEAVE A REPLY