Hargaysa (Somalilandaviation) Shaqaalaha ka hawlgala madaarka cigaal international Airport ee magaalada hargeisa ayaa markii ugu horaysay gaadhsiiyay shacabka ku dhaqan magaalada buuhoodle deeq raashin ah. Deeqdan oo ahayd mid ay si gaara shaqaalaha ka hawlgala madaarka hargiesa isaga soo ururiyeen oo ay ugu tabarucayeen dadka ku dhaqan magaalada buuhoodle. Deeqdan waxa gaadhsiiyay deegaanka buuhoodle xubno kamida shaqaalaha oo uu hogaaminaayay xisaabiyaha guud ee madaarka Olol Yaasiin Ahmed iyo xubno kale oo hawlwadeenada madaarka ah,

Xisaabiyaha guud ee madaarka cigaal oo ka hadlay madashii ay guddiga abaaraha buuhoodle kaga gudoomeen deeqda raashinka ah ayaa faahfaahiyay deeqdan iyo sida aya ku timi “ aniga oo ku hadlaaya magaca shaqaalaha madaarka hargeisa iyo maamulkiisa waxaanu aniga iyo xubnahan igu wehelinaya safarkaygan ku wareejinaynaa deeq raashin ah oo dhan 150 kiish oo isugu jira sonkor, bariis iyo daqiiq waxa kale oo weheliya 17 kartoon oo saliida 12 kartoon oo timira. Olol Yasin ayaa guddiga abaaraha iyo waxgaradkii kale eek u sugnaa goobta ku wareejiyay deeqda uu sheegay inay kasoo go,day mushaharkii shaqaalaha iyo maamulka madaarka waxaanu yidhi “deeqdani waa midka timi shaqaalaha madaarka Cigaal Airport iyada oo shaqaalaha iyo maamulka madaarku ka dareencelinayaan duruufaha ay la timi abaarta baahsani iyada oo lala qabo abaarta hadana gobolka buuhoodle waxa usii dheer xanuunka shuban biyoodka oo in badan ku naf waayeen in badanina u jiifto”

“iyada oo shaqaalaha madaarka iyo maamulkoodu ka dareen celinayaan kana damqanayaan dhibka iyo duruufaha ay la tacaalayaan dadka ku dhaqan deegaanka buuhoodle iyo xaruntiisa degmoba ayaanu la qaybsanay intii awoodayada ahayd waana mid ay waajib iyo mahadnaq ku leeyihiin shaqaalaha madaarku. Waxaan si gaara ugu mahadcelinayaa maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf iyo shaqaalaha kale ee aan anigu ka mid ka ahay oo loo soocay guddiga abaaraha shaqana doona inta dalka ay ka jirto abaarta iyo xanuunadu idinkana si lamida ayaan idiin rajaynayaa dareen ahaan waxaan ku wareejinayaa deeqdan gudoomiyaha gurmadka abaaraha ee buuhoodle Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi”

Dhanka kale waxa isna halkaa ka hadlay C/risaaq C/laahi Cali Kamiin oo kamida hawl wadeenada madaarka hargeisa waxaanu yidhi “ aniga oo kamida hawlwadeenada madaarka hargeisa waxa mahad ilaahay noo ah ka midho dhalinta dedaalkayagii shaqaale ahaaneed ee sida masuulku sheegay dadka buuhoodle la dareen qaybsananyn intii awoodayada ahayd waxaanan u mahadcelinayaa maamulka iyo shaqaalaha madaarka hargeisa”

Caaqil C/laahi Xasan Qanbi oo ah gudoomiyaha guddida abaaraha gudoonka raashinka kadib ayaa hadlay “waxaan mahad aan miisaan lahayn u celinayaa shaqaalaha madaarka waana mid aan ku diirsaday is xilqaankoodu ay halkan ka cadeeyeen inay ka soo jareen mushaharkoodii waxaanu leenahay ilaahay wax roon haydiin geliyo halka aad ksoo saarteen waxaananu halkan ka cadaynaynaa inay na soo gaadhsiiyeen deeqdaa ay shaqaalaha madaarku kaga qayb qaateen daryeelista dadkan tabaalaysan ee gobolkan, waananu idinka gudoonay si mahadnaq iyo ducoba leh”

LEAVE A REPLY