Hargaysa (Somalilandaviation ) Shirkada Duulimaadka Diyaaradaha ee laga leeyahay wadanka Kenya, oo lagu magcaabo FREEDOM AIRLINE ayaa Hawlgalkeedii duulimaad kabilawdey Caasimada Hargeysa Somaliland Khamiistii shalay Garoonka Caalamiga ee Cigaal International Airport.

Duulimaadkii 1aad ee ay Diyaaradani Hargaysa ku timaado ayaa waxaa la socday oo ka soo raacay Caasimada Dalk C/laahi Cabd, oo ka warbixiyey  safarkaasi, waxana hadaladiisii ka mid ahaa:- “aad ayaan ugu faraxsanahay Shirikadan cusub ee bilaabaysa socdaalka Nayrobi iyo Hargaysa, xidhiidhka labada Dal ayaanu hada isu soo dhaweynaynaa, oo xidhiidhkoodu adkaado .”

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Maamulka Diyaaradaasi Axmed Xasan Cabdi, waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport  soo fadhiisatay Diyaarada FREEDOM AIRLINE oo ay wakiil u tahay Sky Way Travel, Diyaaradu waa Direct  Flights Hargaysa, Nayroobi .”

Diyaaradan ayaa waxa ay duulimaad ku iman doontaa Wiigiiba hal maalin Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal,  sida ay sheegeen masuuliyiinta Diyaaradasi, Madaarka Cigaal International Airport ayaa waxaa kor u sii kacaaya Diyaaradaha Caalamiga ah ee Isticimaala iyo kuwadoonaya in ay isticimaalaan, tan iyo Marki uu Xilka Wasaarada Duulista Qabtay Wasiirka cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe.

LEAVE A REPLY