Burco (Somalilandaviation) Madaarka Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer oo ay baryahanba Wasaarada Duulista iyo Gudiga Dib u dhiska Madaarkaasi ka Wadaan Mashruuc dib loogu casriyaynaayo oo ay fulinayo Shirikada Dhismaha ee Somaliland Hono Group Construction, isla mar ahaantaasna hada si ku meel gaadh ah loo sii diyaariyey 2KM oo kabisaad iyo Caratuul lagu sameeyay, ayaa maanta waxaa ka degtay qabtaasi Diyaar ay leedahay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan Cuntada ee WFP oo sida wafti ka socda Hay’ada UNICEF oo u kuur galid xaalada Caafimaadka  u tagay deegaanada Gobolkaasi qaar ka mid ah.

Maamulaha Madaarkaasi, C/raxmaan Yaasiin Axmed oo ka hadlay imaasha Diyyaaradasi ayaa yidhi:” Dadaal  dheer oo loo soo galay waxaan dadkii jeclaa madaarka Burco ugu bushaaraynayaa, in ay ka dagi karaan Diyaaradahu”.

Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Mahdi Ileeye oo hawlo shaqo u jooga halkaa ayaa isna yidhi: “ waxaa hada si ku sii meel gaadh ah Madaarka uga dagi karaa Diyaaradaha 24 Tan ah ee 50 kursi ah, oo ay isticimaalkoodu u furan tahay”.

 

 

LEAVE A REPLY