Dubai (Somalilandaviation) Sarkaal ka socda Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa ka qaybgalay Bandhiga Caalamiga ah ee lagu Magcaabo Airport Show  oo lagu qabtay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.

Eng Xamse Macalin Aadan ayaa faahfaahin ka bixiyey furitaanka Bandhigan, waxaanu yidhi:- “Shirkan waxaa si rasmi ah u furay Sheikh Ahmed bin Saeed Al Maktoum oo ah Madaxweynaha Dubai Civil Aviation Authority (DCAA), Chairman of Dubai Airports and Chairman and Chief”

Eng Xamse isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:- “Waxaa bandhiga fududeeyay Centre for Aviation (CAPA) Global Airport Leaders’ Forum (GALF), shirkan sida weyn loo soo agaasimay waxaa isugu yimid xumno mihiima oo kakala socday kuwa dejiya shuruucda aviation ka, airports ka, dayaaradaha, kuwa wershadeeyay qalabka la xidhiidha aviation  ka, aqoon yahano iyo daneeyayaasha (stakeholders) kale ee dunida dacaladeeda si loo arko loona fahmo sida uugu haboon ee aviation ka si habsami ah uugu socon lahaa, isla markaana cilaaqaad calamiya loo yeelan lahaa. Sidaasi darted Ayaan ku dadaalayay anoo metelaaya Wasaarada Duulista Somaliland inaan xidhidh la yeelano in badan oo ka mid ahaa hay’adii isugu yimid goobtaa, iyagoo qaarkood ay aqoon fiican u lahaayeen Somaliland xidhiidho horena ina dhex maray.”

Eng Xamse oo ka hadlaaya cida ku casuuntay Bandhigan ayaa yidhi: “waxaan casuumad ka helay kana qayb galay bandhig caalamiya ku saabsan Cilmiga Duulimaadka (Aviation ) qaybaha kala ah  security ga, Electric ga, services ka, Operation ka, iyo Maamulka”

Bandhigan ayaa waxaa lagaga hadlay intii uu socday Kor u qaadida habsami u socodka hawalgalinta ee madaarada iyadoo la adeegsanaayo habcasri, Sida uugu fudud ee Safrayaashu  u mari lahaayen goobaha baadhitaanka, iyadoo la adeegsanayo khibrad, Sida looga guulaysto caqabadaha ka hor yimaada aviation-ka,Xaga Amniga awgeed in Dunidu hada u baahantahay (X-ray full body scanning technology) si loo hubin karo qof jidhkiisa wax ku qarinaaya.

 

 

LEAVE A REPLY