Hargaysa(Somalilandaviation) Shirka Bilaha ah ee ay isku xog waraystaan Masuuliyinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Shaqaalaha  iyo Masuuliyiinta Madaarka Cigaal International Airport ayaa saaka ka qabsoomay hoolka dhoofyaasha ee Madaarkaas, waxaana ka soo qaybgalay Masaraakiisha laamaha kala duwan ee Madaarka iyo shaqaaleweynaha.

Ugu horayan Maamulaha mAdaarka oo halkaasi k hadlay ayaa yidhi: “sanadku wuxuu u qayabsamayaa lix bilood, iyo lix bilood 12 bilood, lix bilood shaqada madaarka ka socotaa way hoosaysaa oo dad badan oo soo degayaa iyo dad badan oo noqonayaa midna ma jiro, lix biloodna sadex dadku way soo degayaan, sadexna way noqonayaan oo shaqadu aad ayey u badan tahay, markaa waxaalaynooga baahan yahay qof waloo madaarka ka shaqeeya  uu isbadalka la galay naftiisa ka bilaabo.”

Maamule kuxigeenka Kastamka Madaarka Cumar Shirwac, Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Duulista Nageeye Maxamed Xasan, Agaasimaha NASHA Sh Maxamuud C/raxmaan Cumar, Taliyaha Laanata Socdaalka Madaarka Cabdi Saleebaan Aadan, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Madaarka Saalax Caarshe Ileeye, ayaa halkaa shaqaaleweynaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ugu soo jeediyey hadalo isugu jira Talooyin, Waano, Baraarujin, iyo Mahad naq.

Ugu danbayantii Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo shirkaasi soo gunaanaday, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:- “waxaan ka marag kacayaa intii aan joogay wasaarada in shaqaalaha Madaarka iyo wasaarada joogaa ay yihiin dad qiimo leh oo u qalma inay u adeegaan bulshadooda, dadku leh qiimo oo runtii masuuliyadooda garanaya anaguna aanu u hayno abaal wayn. Waxaynu isugu nimi waa gunti giisjis inaynu xoojino tayayno dareena isa siino ah inaynu feejegnaano Madaarku waa meelaha xaasasiga ah waxaanu ka mid yahay xuduudaha Dalka, Bada, dhulka iyo cirka weeyaan xuduudaha wadan qaranimadiisa aasaas u ah xuduud waxa uu ka leeyahay dhulka, xuduudna waxa uu ka leeyahay bada, xuduudna waxa uu ka leeyahay cirka oo ah air space kiisa, markaa sedexduba faa,iido na way u leeyihiin khatarna way leeyihiin inaga maanta Madaarkeenu waxa uu ka mid yahay Madaarada Geeska Africa kuwa ugu shaqada badan waxaanay ku timi adeega aad bixisaan, gacmaha aad wasaarada u tihiin  iyo hayadaha hormuudka ah amaanka hadii ay tahay police, immigration iyo security. Ka Wasaarad ahaan waxaan ka qabayn waxa noo hadhsan ayaa ka badan mudadii koobnayd ee aanu joognay.”

Wasiirka oo hadalkisa sii wata ayaa yidhi: “xamaaliinta qorshe ayaanu samaynay guddi baanu u saarnay kasoo talo bixisa waxaan sameeyay halkii ay mari lahaayeen qalabka lagu rogo shandadaha hadana waxaanu ognahay inaanu xamaaliintaba iska joojino duruufta iyo culayska ay ku hayaan Madaarka, hadana waxaanu eegaynaa qoysaskaa ku tiirsan ee masaariifta ka helaya inaynu qiimayno noloshooda waa waajib ina saraan markaa waxay noqotay inaanu guddi u saarno qiimayntii ay guddidaasi na siiyay ayaanu ku salayn doonaa dib u qaabayn baanu ku samaynaynaa meesha ka saari mayno markaa waxaan idinkula dardaarmayaa sida aanu idin dhawrayno inad u dhaawrtaan danta iyo maslaxada.qaybaha kale oo dhan runtii aad baan ugu mahadcelinayaa waxyaabaha aanu ku dedaali doono waxaa ka mida tababarada markii hore waxay ahayd in adeega kor loo qaado laakiin imika culays waxaynu saari doonaa tababarada. Itoobiya waxa inaga tegaya 14 qof oo ah air traffic control nimamka kantaroola hawada ee berigii horena lagu soo tababaray bisha july insha allah aad ban uga mahadcelinayaa wasiirka hawada itoobiya mudane Ahmed Shire oo runtii noo fududeeyay tababarkaa (advance training). Waxa kaloo jirta safarkaygii wadanka singapoor waxaan kulan la yeeshay maxadka akaadamiyada hawada iyo maamulkeeda ee dalka singapoor waxyaabaha aan kasoo wada hadalay waxaa ka mida inay xaga tababarada inaga caawiyaan waxaanu ku dedaalaynaa sida loo horumariyay qalabka iyo adeega Madaarka inaynu u qalabayno maskaxda dadkana si ay u noqdaan dad u cuntama inay adeegaa fulin karaan,”

LEAVE A REPLY