Jabuuti (Somalilandaviation) Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Marti qaad ka helay Wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti Maxamed C/qaadir muuse, ayaa gaadhaay Dalkaasi Jabuuti.

Wasiirka Duulista Somaliland waxaa garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti, intaasi kadib Wasiirka Duulista Somaliland oo uu safrkiisa ku wehelinaayo Agaasimaha Waaxda Saadasha Hawada ee Wasaarada Duulista Somaliland C/rashiid Cali Xadi ayaa loo galbiyey dhanka Wasaarada Gaadiidka Iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti, halkaas oo ay kulan ku qaateen labada Wasiir iyo Agaasimeyaasha saadasha hawada ee labada Dal, waxana la isla meel dhigay in la wadaago macluumaadka casriga ah ee saadasha hawada.

Labada Wasiir oo ay wehelinayaan Agaasimayaashoda dhinaca saadasha hawada, ayaa ayaa booqday Xarunta saadasha hawada ee jabuuti halkaas oo ay geed astaan u ah bilawga xidhiidhka cusub ka wada beeren labada dhinac.

Wasiirka Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi:- “Dawlada Somaliland gurmad badan ayey ka sameysay abaaraha  lakiin waxaanu daruuri u aragnay in si cilmiyan ah talaabo loo qaado, markaa waxaanu doonaynaa in aanu aasaasno xafiiskii sadaasha hawada ee Somaliland oo Wasaaradayda hoos imanaaya, baryahaba daraasad ayaanu wadnay,”

Wasiir Faraxaan oo ka hadlaaya soo dhaweyntii loo sameeyay, ayaa waxa uu yidhi: “ Wasiir Maxamed si fiican ayuu noo qaabilay oo uu noo soo dhaweeyay marti qaadkiisa ayaanu ku nimi, waxaanay noo balan qaaden Dawlada Jabuuti oo Wasiirku wakiil ka yahay, in Tababarada iyo waayo aragnimada in aanu is waydaarsano in ay gacan naga siinayso.”

Ugu danbayantii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti Maxamed C/qaadir muuse oo yidhi:- “ saadasha hawada in aanu isla qaybsano Jabuuti iyo Somaliland waxanaanu gaadhanay in aanu gaadhsiino meelaha aanu gaadhnay walaaladen, abaarta meesha ka dhacdayna waanu ka xunahay, si aad u ogaataan Jabuuti iyo Somaliland xidhiidh fiican ayaa ka dhaxeeya, waa laba wadan oo walaalo ah waanu idin garab  joognaa gacantana waanu idin qabanaynaa.

  

 

 

LEAVE A REPLY