“Qadar Airways Diyaaradaheeda waan la soconaa route ka ay maraana wanu la soconaa,  waanay isticmaalayaan hawadeena” Wasiirka Duulista

Hargaysa(Somalilandaviation) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe ayaa Waraysi ay xafiiskiisa kula yeesheen, qaar ka mida warfidiyeenka Dalku, waxa uu ku sheegay oo uu kaga hadlay Diyaaradaha Qatar Airways ee isticimaala hawada Somaliland, Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo ay kulmeen intii uu safarka ku jooogay Dalka Jabuuti, iyo arinta Madaarka Hargaysa.

Wasiir Faraxaan waxa uu sheegay in ay Wasaaradiisu la socoto dhaqdhaqaaqa Diyaaradaha Qatar Airways, waxaanu yidhi:- “hawada Somaliland sida aan horeba u sheegay waxa xukunta ICAO  Muqdisho iyo Hargeisa toona lagama xukumo hay’ada ICAO ee qaramada midoobay ayaa maamusha nidaam bay leedahay Wasaarada Duulista ee Somaliland aanu ku kormeerno Diyaaradaha hawadeena soo gala Diyaarada walba waxaanu haynaa numberkeeda diiwaan gelinta (registration number) waxaanu haynaa maalin walba iyo saacad walba Diyaaradaha soo mara iyo nooca ay tahay ma Airbus baa ma Boeing  halkay ka timi iyo halkay ku socoto iyo flight  number ka intaba waan haynaa sidoo kale calanka ay sidato. Markaa Qadar Airways Diyaaradaheeda waan la soconaa route ka ay maraana, wana la soconaa waanay isticmaalayaan hawadeena imika intaanu la socono, imika waxay soo marayaan Iran Cumaan bay kasoo wareegayaan yemen dhinaca ayay kasoo marayaan markaa hawadeena Lasqoray  ayay kaga soo dhacayaan hawadeena sidaas ayay Hargeisa dusheeda ku maraan waana inta badan Diyaaradaha tegaaya Uganda, Ethiopia wadamadaa South Africa  kuwa tegaya oo dhan ayaa ina soo mara.”

Wasiirku waxa uu xusay in ay kulmeen Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxaana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaaya:- “waxaan kaloo safarkaygii Jabouti fursada aan u helay inaan la kulmo Madaxwaynaha Jabouti o aan kala qayb galay xuska ciidanka Jamahuuriyada Jabouti oo aan salaam aan Madaxwaynaheena ugu sidayna gaadhsiiyay uguna hanbalyeeyay guulaha ay Jabouti ka gaadhay dhinaca ciidanka iyo dhinacyada kaleba”

LEAVE A REPLY