“diyaarad kasta oo calan dal kale sidataa waxay calaamad u tahay,  aqoonsi dadban oo qarankeenu helo,”Wasiirka Duulista

Hargaysa (Somalilanaviation) Xaflad lagu soo dhawaynayo shiradda Air Arabia oo duulimaadyo ka bilawday Madaarka Hargeysa ee Egal International Airport ayaa waxa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Masuuliyiinta ayaa hadalo ku sabsan bilawga duulimaadyada shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia dalka ka bilaabayso ka jeediyey xaflada, iyaga oo ku hadlay muhiimada ay leedahay inay shirkadu dalka ka bilawdo duulimaadyo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Farxad weyn ayey inoo tahay inaynu maanta daahfurno shirkad cusub oo diyaaradeed oo magaceedu yahay Air Arabia oo ku soo biirtay diyaaradihii hore ee madaarkan isticmaalayey waxaan leeyahay waa guul aynu wada leenahay”

Wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland oo munaasibada soo dhawaynta shirkada Diyaaradaha ee Air Arabia hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Sharaf weyn ayey noo tahay inay maanta halkan ku daahfurno inay shirkadda Air Arabia markii u horaysay dalka ka bilawdo duulimaadyadeedii waa u mahadcelinaynaa madaxda ka socota shirkada ee halkan inoogu timid mana ah markii koowaad ee ay yimaadaan tiraba dhawr jeer ayey yimaadeen waxaanan leeyahay dalka ayey faa’iido u tahay maalgashiguye wixii faa’iido u leh dalkana ha la soo dhaweeyo”.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay ku soo dhawaada waxaananu jecelnahay shaqaalaha reer Somaliland ee dalka ama Imaaraadka jooga ee duulimaadyada yaqaana inay fursad shaqo ka heli doonaan Insha Allah”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa mahad leh dhalinyarada reer Somaliland ee ka soo shaqaysay inay diyaaradani halkan timaado

Xoghayaha maaliyadda Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/risaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shirkadani waa shirkad weyn oo caalamiya aadbaanu u soo dhawaynaynaa”

Rijiish oo ah maamulaha diyaarada Air Arabia oo isna madasha hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Madaarka Hargeysa waxaanu ku darnay Mabka caalamiga ah ee ay tagi doonto diyaarada Air Arabia waxaanu aad ugu kalsoonahay dedaalkiina waxaananu kordhin doona tartanka dalkan quruxda badan”

Wakiilka shirkadan dalka u qaabilsanaan doona C/salaam Xaaji Axmed oo ka hadlay munaasibada ayaa waxa uu yidhi “Maanta farxad weyn ayey noo tahay inaan soo dhawayno bahda Air Arabia oo duulimaad laba cisho oo ka mid ah todobaadkii dalka ka bilaabi doona, dawladduna aadbay noo soo dhawaysay oo wasiirkuna si wanaagsan ayuu noola shaqeeyey

Kabtan Maxamed oo ah duuliyaha diyaarada soo cago dhigatay madaarka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay duulimaadyada ay dalka ka bilaabeen, waxaanu yidhi “Aadban ugu faraxsanahay inaan lix sano ka dib Hargeysa ku soo noqdo, wakthigaasi oo aan tagay Berbera oo aan socdaalkaasi gaadhiga waday aadbaan ula socdaa dalkani waxa uu gaadhay”

 

 

LEAVE A REPLY