baaqaasi waxa uu ku salaysan  yahay,  in aanay dib u dhicin colaadaasi, in aanay dhimasho danbe aanay dhicin , nafta binu Aadan ka ah oo dulmi lagu dilo, ilaahay xagiisa waxa uu ka xumay in ay ka qiimo weyan tahay aduunka waxa saaran korkiisa.” Wasiiru Dawlaha Duulista

Hargaysa (Somalilandaviation) Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Axmed Cali Maxamuud (Baynax) ayaa shirjaraaid oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxa uu baaqnabadeed ugu diray Beelaha walaalaha ah ee ku dirirsan Deegaanka Ceelafweyan, waxaanu yidhi:- “waxaan idiinku yeedhay in aan halkan ka jeediyo baaq nabadeed, colaada ka soo cusboonaatay  degmada Dararweyne ee Deegaanka Ceelafweyan ee soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada beelood oo aan odhan  karo maaha laba beelood, oo labada beelood waxaa ku dhex jira Dad badan oo samo wadayaal ah, Dad badan oo aan colaada jeclayan, Dadbadan oo aan geerida iyo xaqdarada dhimashada ah jeclayan, laakiin ay wadaan Dad fidmo wadayaal ahi, iyo shadaadiin ka adeegaysa baaqaasi waxa uu ku salaysan  yahay,  in aanay dib u dhicin colaadaasi, in aanay dhimasho danbe aanay dhicin , nafta binu Aadan ka ah oo dulmi lagu dilo, ilaahay xagiisa waxa uu ka xumay in ay ka qiimo weyan tahay aduunka waxa saaran korkiisa.”

 

Wasiirka oo tilmaamaya in aan wakhtigan beelo is dila Somaliland looga fadhyin ayaa waxa uu yidhi:- “ Anaga Qaranka Somaliland dhacdooyinkan soo noqnoqonayaa waxay inaguu yihiin, inaga oo ah Qaran 26 jirsaday in maata si aan wanaagsanayan la isu dilo oo Dad qabaail ahi isu dilaan, waxay Qaranka Somalilanad ku  tahay dhaawac, Qaranka Somaliland oo dhan oo dhintana way kala miisaan weyan tahay dhacdadani.”

Wasiir Axmed waxa uu tacsi u diray Ehelka Dadkii halkaa ku dhintay,”Sidaa darted waxaan tacsi u dirayaa Dadkii dhintay iyo dadkii dhaawacmay Eheladoodii, wixii dhintay ee halkaa ku dhintay Ilaahbaa xisaabinaaya, Rabiga ayaa xisaabinaaya halka uu gaynaayo, waayo dhamaanteen  waxa aynu isla qiraynaa Dagaalkaasi in uu yahay Dagaal xaqdaro ah.

LEAVE A REPLY