Hargaysa (Somalilandaviation) Agaasimaha guud ee Wasaarada Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa ka jawaabay su,aalo kasoo noqnoqday bulshada iyo saxaafada oo ku saabsan inay madaxda somaliya maraan Madaarka Hargeisa iyo hudheel laga dhex dhisayo Madaarka Cigaal waxaanu sheegay in Madaarku yahay mid caalamiya oo cid walba mari karto kaas oo u baahan in laga hirgeliyo adeega ay dadka socotada ahi u baahan yihiin. Agaasimaha ayay shalay saxaafadu wax ka waydiisay madaxda somaliya ee mara Madaarka iyadoo ay ugu danbaysay inuu dhawaan wargays sheegay in Raysal wasaaraha somaliya kulan kula yeeshay diblamaasiyiin reer galbeeda waxaanu sheegay in xayndaabka Madaarka caalamiga ah ee Cigaal yahay aag caalamiya oo aan cidna loo diidi Karin isla markaana ay dadka socotada ahi ku hakan karaan.

“waxaad moodaa saxaafadu in aanay fahmin ,Madaarkani waa xarun qofkasta oo soomaaliyeed oo somaliya u dhashay ama Itoobiya u dhashay ama qaaradaha kale Madaarka Hargeisa transit wuu ku noqon karaa transit xeer buu dunida ka leeyahay markaa Madaarku waa aag caalami ahmarkaas qof halkaas maraya waa in lasoo dhaweeyaa oo adeega uu u baahan yahay helo. Laakiin maaha macnaheedu Madaarka Hargeisa hebel baa maraayay ee muxuu usoo maray hadii la mari waayo waxay noqonaysaa in Madaarkii la xidho.” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.

Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay in madaxda Somaliya mari karto Madaarka Hargeisa sida madaxda Somaliland u maraan kan Muqdisho “marka uu Madaarku cid walba wuu u furyahay madaxwayne hore oo somaliya soo maray ha ahaado qof somaliya imika xilka haya, laakiin waxa mamnuuc ah inay gudaha Somalilad  soo galaan laakiin transit ahaan way ku mari karaan inaga Somaliland ahaan madaxdeenu markay Nayroobi tegayaan Muqdisho ayay sii maraan kuma degaan ee transit ayay ku yihiin markaa xeerka dunidu waa transit. Markaa had iyo jeer saxaafadu arintan way kusoo celcelisaa hebel baa maraayay Madaarka Hargeisa hebel Somaliland ma soo gelin ee Madaarkan caalamiga ah ee dadka geeska Africa oo dhan u adeegaya ayuu maray.” Sidaas ayuu yidhi Agaasimuhu.

Dhanka kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay hudheel laga dhisayo gudaha Madaarka Hargeisa oo mudooyinkii u danbeeyay dodo abuuray waxaanu sheegay inuu yahay mid kor loogu qaadayo adeega Madaarka si ay dadka transit ka ahi uga helaan adeeyada ay u baahan yihiin

“ maaha hudheelku sida dadka qaar sheegayan wax qof gaar ah la siiyay oo uu gaar u yeelanayo ee waa arin ay wadaagayaan Wasaarada iyo qofka muwaadinka ah waana wax lagu sii hormarinayo bilicda Madaarka iyo adeega dadka loo fuliyo.”

LEAVE A REPLY