Hargaysa (Soamlilandaviation) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlaaya shaqaalaha Madaarka Cigaal International Airport oo dirayskii hore laga bedalay isla markaana qaarkood tababaro u baxayaan, ayaa yidhi:- “Wasaarad kasta waxaa sumacadeeda tayeeya ama kor u qaada magaceedu waa aqoonta, asluubta iyo waayo aragnimada shaqaalaheeda oo ah halka ay ka muuqato sawirka dhabta ah ee shaqada iyo adeega ay u qabato bulshadeeda iyo Qaranka guud ahaan, shaqaalaha Wasaarada gaar ahaan kuwa Madaarada ayaa ah kuwa u sabab ah adeega hufan ee muujinaaya sida ay waajibaadkooda shaqo u hagar baxayaan si dacaadnimo, kalsoonaan iyo dadaal leh”.

Wasiirka oo ka hadlaaya hirgalinta qorshahan sida uu u arko ayaa yidhi:-“Waxaa ka Wasiir ahaan farxad weyn ii ah iyo xasuus taariikhdayda ku lamaanaan doonta in shaqaalaha Wasaarada Guud ahaan, si gaar ahna kuwa Madaarka Cigaal ee Hargeysa ay ka mid noqdaan qaybaha shaqaalaha Wasaarada aan gadhwadeenka ka ahay, kulamadii kala duwanaa iyo kormeerada ayaa ka dhigay in aanu guud ahaan wadaagno argti isku mid ah oo salka ku haysa hiiraalka iyo hiigsiga Wasaarada”.

Wasiirka oo tilmaamaya u jeedka laga leeyahay hawshan ayaa yidhi:-“Waxay ka mid tahay dadaalka lagu gaadhyo hiigsigaas in aan kaliya shaqaalaha la dhisin aqoontooda balse anshaxa iyo habdhaqankooda ayaa iyana qayab weyn ka ah isku dayida lagu dhiiri galinaayo taas iyada oo aan ka duulayno, waxaanu guud ahaan isbadal ku samaynay habka hub qaadka (dressing ) ee shaqaalaha qaybihiisa kala duwan Alle ayaa mahada oo dhami u sugnaatay, iyada oo wiigan ama ka soo socda horaantiisana aanu dafcadii ugu horaysay oo dhan 10 xubnood oo scholarship Dalka dibadiisa ah ugu baxaysa aanu sii sagootin doono”.

Waa doonista Allah iyo in uu noo ogolaaday noona suurta galiyey hawlo badan isagaana mahad oo dhan iska leh.
Waxaa iga dardaaran ah in ummada Soomaalilaand ee shaqaalahayaga qiimaha lihi u adeegayaan ay nala ilaaliyaan nidaamka hufnaanta shaqada Madaarada gaar ahaan Madaarka Hargeysa.

Wasiirku waxa uu fariin u diray Dadka adeegsada Madaarada Somaliland waxaanu yidhi:-“Si gaar ah Dadka soo degaaya iyo kuwa dhoofaya, waxaan leeyahay waa ka mamnuuc Madaarka shaqaalaha ka hawl gala in loo horseedo ficilo iyo dhaqano hore looga suuliyey Madaarka”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:”Guud ahaan madax iyo shaqaale hoose waxaa looga baahan yahay waa soo dhaweyntiina, daryeelkiina, faraxad galintiina iyo dacbacan u khidmaytiina ee idinkuna nala ilaaliya nidaamka shaqada iyo shaqaalaha”.

Wasiirku waxa uu dadweynaha adeegsada madaarka Cigaal u soo jeediyey in uu tixgalin siidoono talo soo jeedintooda, waxaanu yidhi:-“Ugu danbayantii waxaan dhagaysanaaynaa soo jeedintiina si gaar ah waxaan ka wasiir ahaan fursad idiin siiyey aad taladiina iigu soo gudbin kartaan anaga oo samaynay sanduuq ( suggestion box ) Madaarka dhexdiisa iyo barta Facebook ee Wasaarada iyo Wabsadka Wasaarada wixii talo la iigu soo ridaa toos ayaan u akhriyaa uguna weelaynaa, Alle dhamaanteen ha inagu ilaaliyo dariiqa toosan,” Wasiir Farxaan.

LEAVE A REPLY