Hargaysa ( Somalilandaviation) Dufaacadii ugu horaysay ee xujaajta soo gudanaysay Xajka sanadkan ayaa ka gooshay Madaarka Cigaal International Airport.

waxaana warbxin koobankaga hadlay  safarka xujaajtaas Maamulaha Madaarkaas Maxamed yuusuf Ismaaciil oo yidhi:- “ waxa fly kii u horeeyay ee ka duula Madaarka caalamiga Cigaal  nasiib u yeelatay diyaarada DAALLO inay qaado duulimaadkii u horeeyay ee xajka waxay qaadaysaa rakaab ku dhow 150 qof xagaagani waxa uu kaga duwan yahay xagaayadii hore xiliga ay bilaabantay oo noqonaya xili hore, xiligan oo kale waa xiligii aan u shaqayn jirnay dadka kasoo noqonaya qurbaha ee dalkooda hooyo kusoo noqonaya isku mar ayay bilowdeen. Insha allahu waxaanu jecelahay inaanu adeegyadaa si habsami leh oo hufan uu Madaarku u fulin doono.”

Maxamed Sheikh Yuusuf Xasan oo ka tirsan Maamulka Daalo Airline oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi:-“maanta oo ay bishu tahay 7 ogos waxa halkan ka baxaysa diyaarada DAALLO Airlines oo qaadaysa dufcadii ugu horaysay ee xujaajta sanadkan insha allahu duulimaadyaduna way isku daba xigi doonaan”

LEAVE A REPLY