Ceergaabo (Somalilandaviation) Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Somaliland Ahmed Cali Maxamuud (baynax)  oo safar shaqo ku jooga magaalada Ceerigaabo ayaa kormeer kusoo maray Madaarka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo isagoo wasiirudawluhu u kuur galay baahiyaha ka jira garoonka Waxaana wasiirka halkaa lagu siiyey  warbixin  ku saabsan xaalada Garoonka.

Waxaanu yidhi wasiirudawluhu:-“baahida taala garoonka inta ay leegtahay garoonku sidiisaba waxa uu macna leeyahay marka ay diyaaraduhu soo fadhiistaan markaa waxa sababaya inay diyaaradi soo fadhiisan waydo ama ka kiciwaydo kolay labo arimood ayaa lagu eegaa amaanka iyo bidqabka diyaarada, amaanka  waxa weeye inuu garoonku xidhan yahay oo leeyahay xayndaabkii, waxa weeye diyaaradu inay garoonkaasi fadhiisato kana kici karto. Waxaanu usoconay inaanu fariin halkan ka dirno fariintaas oo ah in garoonkani kamid yahay kaabayaasha dhaqaale ee gobolada beri siiba gobolkan aad u balaadhan ee Sanaag, baahi wayna loo qabo, Intaa waxaan ku darayaa in garoonkan wareegiisu yahay 6km macnaha taarka ku wareegayaa uu noqonayo 6km waxaanu aad iyo aad isgu dayaynaa in talaabada ugu horaysa ee aanu qaadnaa noqonayso in taarkii lagu wareejiyo, Arinta labaad waxa weeye gobolka Sanaag xukuumada maanta jirtaa intii ay jirtay dalka waxbaa laga qabtay mashaariic ayaa laga fuliyay lixda gobol waa loo qaybiyay waxqabadkii markaa kolay in garoonku dib u dhaco waxa keenaysa mashruuca way nee wadada Ceerigaabo ee socda.”

LEAVE A REPLY