Hargeysa(Somalilandaviation) Dawladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay si is daba joog ah u sheeganaysa in ay gabo gabo marayso hannaan hay’adda Qaramada Midoobay ee maamusha hawada Somaliland iyo Soomaaliya si rasmi ah ugu wareejinayso Soomaaliya laakiin, wasiirka duulista hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin sheegashada Soomaaliya.

Wasiirka Duulista Soomaaliya ayaa dhawaan xarunta hay’adda ee Montreal kula saxeexday heshiis uu ku sheegay in ugu dambeyn dhammaadka sanadkan Muqdisho laga maamulayo hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo Nairobi laga maamulayay tan iyo markii ay dhacday dawladdii Siyaad Barre. Waxa uu sheegay in ay ka heshiiyeen hannaanka kala guurka oo socda.

“Hawo lagu wareejiyay dawladda Soomaaliya ma jirto, taas waan xaqiijinaya. Anagu qorshe ayaanu leenahay iyaguna(Somalia) hasaase ayay wadaan sidii ay suuro gal u noqon lahayd in ay maamulaan hawada Soomaaliya. Marka uu dhammaado xilliga kala guurka ee mashruucii saddexda sanno ahaa oo ku eeg 2018 ayuun baa kolba dhan lagaga imanaya laakiin, hawo ICAO ku wareejisay Soomaaliya haba yaraatee ma jirto, meel ay hay’adda ICAO ku sheegtay in ay hawadii wareejisayna ma jirto,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka duulista Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in hay’adda ICAO mashruuca maamulidda hawadu ka dhammaanayo 2018 sidaas darteedna ay soo jeedin doonto cidda ay ku wareejinayso hawada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in aanay hay’addu ku wareejin Karin hawada Soomaaliya iyada oo aan heshiis lagu ahayn. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku muransan halka laga maamulayo hawada iyada oo ay hore u socon waayeen heshiisyo hore.

Dhawaan ayay soo baxday in hay’adda ICAO ku wareejinayso hawada Soomaalida dalalka Hindiya iyo Syecheless maaddaama Soomaalidu ku heshiin wayday arrintaasi oo ay dad badan suuro gal u arkeen maaddaama Muqdisho iyo Hargeysa ku kala fog yihiin siyaasadda, islamarkaana aanay sahlayn in ay wakhtiga dhaw wax isku darsadaan.

 

LEAVE A REPLY