Hargaysa (Somalilandavaition) Maareeyaha Hay’aadda Duulista iyo Madaarada Somalilanad Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodal ayaa saaka shirjaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxa uu ku iftiimiyey in aanay Somaliland aqalidoonin in Hawadeeda cid kale loo gacan galiyo, ama meel kale laga maamulo.

 

Maareeye Rodal oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa dawladda Somalia ay sheegtay inay hawadii Somaliland iyo Somalia ay la soo wareegtay, iyada oo aan laga wada tashan lagana heshiin arintaasi sida ku xusan heshiisyadii Istanbul 1 iyo Istanbul 2 ee ay dawladdaha Somalia iyo Somaliland kala saxeexdeen, heshiisyadaasi oo dhinaca Somalia ka socon waayey, arintaasi oo keeni karta khal khal iyo jahawareer, masuuliyadeedana ay dusha ka fuuli doonto cida heshiiskaasi ka baxday oo ah xukuumadda Somalia”.

Maareeyaha ayaa baaq diray waxaanu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa Qaramada Midoobay hay’adda ICAO, dawladdaha dariska ah iyo cid walba oo danaynaysa nabadgelyada iyo hab u socodka  duulimaadyada mandaqada, waxaanu hallkan ku cadaynaynaa inaan marnaba Somaliland ogolaan doonin in hawadeeda meel kale laga maamulo “.

Maareeyaha oo ka jawaabayey suaal saxaafadu weydiisay oo u dhignayd waxa uga meel yaala haddii Somalia ku guulaysato la wareegida maamulka hawada waxa uu maareeyuhu ku jawaabay “Horta sidii aan warbxiintaba ku sheegay heshiisyo hore ayaa jiray, markaa waxa ay ahayd wadatashi ayey wax walba ku fiican yihiin waana run inay xafladaynayaan xaq baanay u leeyihiin oo markii hore Nairobi iyo meelo kale ayaa laga maamulayey, laakiin khaladka ta ay ku sameeyeen waxa weeyaan inaga qudhigeena qalab ayaa la inoo keenayaa la filayo ilaa iyo December 2018 inuu dhamaado, markaa diyaaraduhu meel qudha ma marayaan ee boqolaal wadan ayey ka gudbayaan markaa waa in qawaaniinteeda la dhameeyaa, markaa intay diyaaradu Somalia ka timaado biriik qaadan mayso ilayn hawada Somaliland ayey maraysaaye, markaa wixii lagu heshiiyey ayey ka baxeen in kasta oo aan huba inaanu qalabkoodu dhamayn, laakiin ILAAHEY idankii waxaanu rajaynaynaa inay ku soo noqdaan saaxada wada hadalka oo qolada ICAO ayaa noo dhaxaysa, laakiin haddii uu afduub dhaco waxa imanaya khal khal iyo jawhawareer xaga hawada, Somaliland-na hawadeeda iyada ayaa iska leh dusheeda iyada ayaa iska leh, maamulkeeda iyada ayaa iska leh, iyada ayaa fasixi karta ka dusheeda maraaya iyo ka aan marayn, markaa mar kasta gacmo furan Ayaan ku soo dhaweynayaa haddii wadahadal iyo sidii hore lagu soo noqonaayo waananu cadaynaynaa qaladkaasi dhacay oo wixii lagu heshiiyey ahaa”.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Hawadan inaga ayaa iska leh oo hay’adda ICAO way inoo dhaxaysaa oo heshiisyadii aanu galnay oo dhan waa ay ogayd oo waxa ugu weyn ee aynu kala saxeexanay waxa ay ahayd Istanbul 1 iyo 2, kuwa kale is arag uunbay ahayd oo inagaba December 2018 In qalabkeenu dhamaystirmo ayeynu rajaynaynaa, waanay soo bixi doontaa waxa ku kalifay iyaga”.

LEAVE A REPLY