“mana noqonayso in cid gaar ah guulaysato cidna khasaarto, balse waxa ay noqonaysaa in la wada guulaysto ama la wada khasaaro”. Ambassador Michael Keating

 

Hargaysa (Somalilandavaition) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay soo jeedinayaan in gacan ku haynta maamulka hawada lagu dhameeyo wada hadal iyo is af garasho.

Ergayga Xoghayaha gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland Ambassador Michael Keating oo saxaafada kula hadlayey Qasriga Madaxtooyada Somaliland ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu tilmaamay in arinta gacan ku haynta maamulka hawadu yahay mid aduunka oo dhan khuseeyo oo ay  muhiim tahay in wada hadal lagu dhameeyo.

Ambassador Michael Keating oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Maamulka hawadu waa u muhiim cid walba ilaa Aduunka oo dhan mana aha mid cid gaar ah ku muranto, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid ay ka kulmaan oo ka wada xaajoodaan dhinacyada Somalia, Somaliland iyo Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee ICAO si loo cadeeyo maamulka hawada, siiba in labada Wasiir arrimo dibadeed diyaariyaan sidii wada xaajoodkaasi u fuli lahaa maalmaha soo socda, sidoo kalena waa in la ixtiraamo heshiiska dhex maray Hargeysa iyo Muqdisho ee ku sahabsanaa maamulka hawada lana cadeeyo xalinta wixii is fahan waa ah, sababta oo ah waa dan la wada leeyahay oo qof walba khuseeya, mana noqonayso in cid gaar ah guulaysato cidna khasaarto, balse waxa ay noqonaysaa in la wada guulaysto ama la wada khasaaro”.

 

 

LEAVE A REPLY