Hargaysa ( Hay’adda Duulista Somaliland) Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland  Capitan Cabdi Maxamed Rodol ayaa shir jaraaid oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay kaga hadlay arimaha Hawada Somaliland iyo Soomaaliya, waxana uu ugu baaqay dad uu sheegay in ay si qaldan uga hadleen inaan la carqaladaynin wada hadal u socda Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsan arinta Hawada, Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in aan lala wareegin Hawadii Somaliland, ee ay leedahay Somaliland Hawadeedii, isaga oo arimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi:-

“Waxaan maanta Talafayshinka u soo galay malaa waa markii 2aad ama 3aad, in aan war Hay’addan laga bixiyey Duulimaadka aan sax ahayan, dad badan oo an aqoon u lahayan iyo dad kale oo waxa ay uga jeedaan aanan garanaynin ay galeen, Hawo laynaga qaaday ayey sheegen, war Hawdeena inaka ayaa iska leh sidaan maalintii horeba u sheegay, Haawada Somaliland, Somaliland ayaa leh, lakiinse waxa jirta wax inaga dhexeeya inaga iyo Soomaaliya taasina waxa weeye wax la yidhaa Flight Information Regional  (FIR) ,   sida aad Maabka ku arkidoontaan  waxa weeyaan hab Aduunku ku heshiiyey  oo Hay’adda Duulimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee ICAO ayaa samaysa.”

Maareeyuhu waxa uu sheegay in bishii hore 7-deedii   uu shir lagaga hadlaayo Hawada kaga qaybgalay Nayrobi Kiiniya,  islamarkana ay wax isla soo meel dhigeen dhigiisa Somaliya oo Wada Hadal arintan Hawada uga socdo, waxanu yidhi: “waxaa jirtay bisha 7-todobadeedii iyo 8-sideedeedii in aan Nayrobi tagay aniga iyo wafti aan la socdaa oo aanu is aragnay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Somaliya Maxamed C/laahi Salaad iyo waftigii la socday, si fiican ayaanu u wada hadalnay oo is barbar dhiga, waxaanu ku heshiinay waxyaabihii hore oo dhan ee Dawladihii hore iyo Wakhtiyadii hore in la tixgaliyo, wixii ka danbeeyana,  wadahadalo danbe la yeesho, waxaana nala joogay laba nin oo ka socda Qaramada Midoobay UNSOM oo markhaatiya.”

Maareeye Cabdi Maxamed Rodol waxa uu ku baaqay inaan arintaasi la carqaladaynin oo laga war sugo, waxanu iyidhi: “ arintaasi way socotaa mana fiicna in la Carqaladeeyo iyada oo wixii bilaw uun yihiin oo ay socdaan oo si aan sax ahayan looga hadlo.”

Warkan oo faah faahsan ka daawo muuqaalka hoose

LEAVE A REPLY